Madaxweynaha Soomaaliya iyo wefdi uu hogaminayo oo xalay gaaray dalka Masar

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Sharma El Sheikh ee dalka Masar.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wefdigiisa ayaa ka qayb-galaya shirka Cimilada Adduunka ee COP-27 kaas oo ka furmaya magaalada Sharma El Sheikh ee dalkaas.

Wefdiga Madaxweynaha ayaa Shirka la wadaagi doona saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay Soomaaliya oo ay kamid yihiin Nabaad-guurka iyo Abaaraha soo noq-noqday.

Shirka Cimilada COP-27 ayaa sidoo kale waxa ka qayb-galaya Madax kala duwam oo ka socda Qaaradd Afrika iyo guud ahaan dalalka Dunida.

PUNTLAND POST