Madaxweynaha Puntland oo ku wajahan dalka Itoobiya

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa lagu wadaa in uu Khamiista u safro dalka Itoobiya.

Ilo wareedyo ka tirsan Madaxtooyada ayaa noo sheegay in Madaxweyne Deni uu Khamiista ku wajahan yahay magaalada Addis Ababa.

Siciid Deni ayaa lagu wadaa in uu kulan gaar ah la yeesho Ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Itoobiya.

Safarkan ayaa soo aaday xilli la filayay in Madaxweyne Deni u safro magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

PUNTLAND POST