Lionel Messi Oo Cristiano Ronaldo Ku Garaacay Rikoodh Kale

Lionel Messi ayaa dhaafay Cristiano Ronaldo marka la fiiriyo qiimeynta tirada guud ee goolasha uu dhaliyay rigoore la’aan inkastoo uu ciyaaray kulamo ka yar Kuwa Cristiano Ciyaaray.

Xiddiga 35 jirka ah ayaa gool u dhaliyay kooxda Paris Saint-Germain kulankii ay 1/0 kaga badiyeen Lyon fiidnimadii Axadii.

Messi ayaa haatan dhaliyay 672 gool oo aan rigoore ahayn intii uu ku guda jiray xirfadiisa ciyaareed. Halka Ronaldo uu dhaliyay 671.

Messi ayaa dhaliyay goolka kaliya ee ay PSG ka dhalisay kooxda Lyon kulan ka tirsanaa horyaalka Ligue 1. Daqiiqadii shanaad ee ciyaarta ayuu shabaqa ku hubsaday isagoo ciyaarta ka dhigay 1-0.

Sidaas darteed Messi ayaa haatan dhaliyay 672 gool oo rikoodhe la’aan ah isaga oo dhaafay weeraryahanka Manchester United Ronaldo.

Si kasta ha ahaatee Messi ayaa dhaafay Ronaldo inkasta oo uu ciyaaray in 150 kulan ka yar kulamada uu ciyaaray xiddiga reer Portugal.