Khadar Faroole oo ka hadlay cidda bixisay Amarkii loogu diiday in Muqdisho u dhuufo

Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u qaabilsan arrimaha ganacsiga Khadar Cabdiraxmaan Faroole , ayaa saakay laga celiyay garoonka diyaaradaha Garawe, xilli uu kusoo jeeday Muqdisho.

Khadar Faroole ayaa ciidamada ammaanka ee ka shaqeeya garoonka diyaaradaha Garawe ku war-galiyeen in uusan magaalada ka bixi karin, waxaana ergayga lagu qasbay in uu ka haro diyaaradii uu u raaci lahaa caasimadda Muqdisho.

Ergayga madaxweyne Xasan Sheekh ee arrimaha ganacsiga ayaa wareysi uu siiyay idaacada BBC ku sheegay in ammarka saakay loogu diiday in uu ka dhoofo garoonka Garawe uu bixiyay madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

“Sidii qof muwaadin ah oo dalkiisa jooga oo kale ayaan u tagay garoonka diyaaradaha, sideedaba anigu caado uma lihi in aan istaaf kaxaysto xilli kasta, markii diyaaraddu ay soo degtay ee aan isku diyaarineyno bixid ayaa waxa ii yimid labo wiil oo aan garanayo waxana ay ii sheegaan in aanan bixi karin amarkana uu ka yimid taliyaha booliska waan weydiiyay in wax dukumeenti ah ay hayaan iyagoo si wanaagsan iila hadlay ayey igu yiraahdeen maya mudane” ayuu yiri Khadar Faroole.

Khadar Faroole ayaa sidoo kale beeniyay eedeyn horey uga timid maamulka Puntland oo ku aadanaa in uu lu lug lahaa isku dhac ciidan oo ka dhacay Garawe, waxa uuna sheegay in uu katirsan yahay dowladda federaalka Puntland aysan awood u laheyn in ay xirto.

“Waa ay jirtaa eedeynta iiga timid Puntland, mana eheyn mid sharciyeysan, marka hore anigu waxaan ahay shaqaale dowladda federaalka ah, waaran iima jarti karto Puntland.” ayuu yiri Khadar Faroole.

Xeer ilaalinta maamulka Puntland ayaa dhawwaan waaran soo qabasho ah u jartay afar siyaasi caan ah oo ku sugan Garawe kana mid ah mucaarad madaxweyne Deni, kuwaa oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen iska hor imaad ka dhacay Garawe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –