Jules Kounde Oo Kashifay Qofkii Ku Qanciyay In Uu Iska Diido Chelsea Kana Doorto Barcelona.

Jules Kounde ayaa sheegay in Xavi uu fure u ahaa inuu doorto ku biirista Barcelona ka dib markii uu ka tagay Sevilla xagaagii.

Xavi ayaaku adkaystay in uu xiddigu ku biiro Barcelona sabab la xidhiidha qaab ciyaareedkiisa waxana uu Kounde ku qancay sidii uu Xavi u horumariyay kooxda Barcelona qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore.

“Markii aan la hadlay isaga waxa uu ii sheegay in tayadaydu ku fiicantahay qaab ciyaareedkiisa, in kubada laga ciyaaro halka dambe in uu halka sare ka ciyaaro daafaca, in uu adeegsado tayada orodkayga”ayuu Kounde u sheegay L’Equipe.

Barça ayaa Chelsea kula dagaalantay saxiixiisa, Koundé ayaa sidoo kale la hadlay Thomas Tuchel, oo hadda shaqada laga eryay, wuxuuna sheegay in uuna ku qancin hadalka Tuchel sida uu ugu qancay hadalka Xavi.

“Waxaan la hadlay Tuchel, waxaan sidoo kale dareemay inuu doonayo inaan imaado chelsea laakiin Waxa aan door biday hadalkii Xavo”ayuu si raaciyay.