Shirqool lagu afduuban lahaa laguna dili lahaa Madaxweyne Zelensky oo la fashiliyay

Ciidamada sirdoonka dalka Ukraine ayaa shaaciyay in ay fashiliyeen kana hortageen qorshe dowladda Ruushka soo maleegtay oo la doonayay in lagu afduubto laguna dilo madaxweynaha Ukarine Volodymyr Zelensky.

Sirdoonka Ukraine ayaa xiray labo korneel oo ka tirsanaa ciidamada ururka ilaalada madaxda dowladda, kuwaa oo lagu tuhmay in ay maleegayeen shirqoolka afduubka iyo dilka loo geesanayo Madaxweynaha.

Saraakiishan la xiray ayaa la sheegay in ay gudbiyeen xog xasaasi ah shabakad ka tirsan sirdoonka FSB ee Ruushka. Waxay sheegeen in shirqoolku ahaa in la qorto saraakiil militeri oo afduubta Zelensky kaddibna dila.

War ay soo saareen sirdoonka Ukraine ayaa sidoo kale la sheegay in qorshaha ku jiray in la dilo taliyaha ciidamada Ukraine, Kyrylo Budanov, kaas oo loogu talogalay in lagu dilo gantaal ,sidoo kale qaarijintiisa lagu beego xafladda caleemo saarka madaxweyne Putin.

Qorshahan la doonayay in lagu dilo Madaxweynaha dalka Ukraine iyo taliyaha ciidankaasi ayaa shaki badan ka dhax abuuray gudaha ciidanka, waxaana jira xubno kale oo dowladda katirsan oo la tuhmayo in qorshaha wax ka ogaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleMilitariga Soomaaliya oo lagu eedeeyey inay duqeymo ku dileen dad badan oo shacab