DEG-DEG: Liverpool Oo Xaqiijisay In Ay Dhamaystirtay Saxiixa Arthur Melo

Kooxda Liverpool ayaa xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Arthur Melo kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Juventus.

Liverpool ayaa Arthur Melo kula soo wareegtay heshiis amaah ah oo hal sano si ay ugu xaliyaan dhibaatada dhaawac ee khadka dhexe.

Reds ayaa sidoo kale xaqiijisay in xiddiga reer Brazil ee 26 jirka ah kooxda u qaadan doono Lambarka No.29 xilli ciyaareedka uu joogo kooxda.

Liverpool ayaa xalay saqdii dhexe wadahadalo la furtay Juventus si ay uga helaan xiddiga waxana ay saaka subaxdiiba kala heshiiyeen saxiixiisa.

Xiddiga Arthur Melo ayaa noqday saxiixii 4-aad ee ay samayso kooxda Liverpool intii uu furnaa suuqa kala iibsiga xagaagan