DEG-DEG: Heshiis Ay Arsenal Ku Doonaysay Douglas Luiz Oo Gabi Ahaan Dhintay, Sabab.

Kooxda Arsenal ayaa u muuqata in ayna samayn doonin wax saxiix ah maalinta ugu dambaysa suuqa kala iibsiga xagaaga.

Arsenal ayaa maanta oo dhan lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga Khadka dhexe ee Douglas Luiz kaas oo ay doonayeen in ay ku xoojiyaan khadka dhexe.

Kooxda Arsenal ayaa 3 dalab oo xidhiidh ah ka gudbisay saxiixa xiddiga Douglas Luiz laakiin Aston Villa ayaa gabi ahaan diida dalabyada Arsenal.

Dalabkii ugu dambeeyay ee ay Arsenal ka gudbisay saxiixa xiddiga Douglas Luiz ayaa ahaa mid dhan 25 milyan oo euro laakiin Aston Villa ayaa diiday dalabka Gunners.

Aston Villa ayaa ku adkaysanaya in uuna xiddiga khadka dhexe iib ahayn isla markaas ay doonayaan in ay sii haystaan xiddiga.

Wararka ayaa sheegaya in baacsiga ay Arsenal ugu jirtay saxiixa xiddiga Douglas Luiz in uu haatan noqday mid gabi ahaan dhintay marka loo eego in ay daqiiqado ka dhimantahay xidhitaanka suuqa xagaaga.