DEG-DEG: Hector Bellerin Oo Ku Biiray Barcelona, Imisa Sano Ayuu Saxiixay.

Xiddiga Hector Bellerin ayaa qaab xor ah ugu biiray kooxda Barcelona kadib markii uu ka tagay Arsenal.

Gunners ayaa kansashay heshiiskii uu xiddigu kula jiray kooxda kadib markii uu ka baxay qorshaha Tababare Mikel Arteta.

Xiddiga reer Spain ee Hector Bellerin ayaa haatan si Rasmi ah ugu laabtay kooxdiisi hore ee Barcelona isla markaas qaab xor ah ugu biiray.

Xiddiga Hector Bellerin ayaa qalinka ku duugay heshiis hal sano ah oo uu kooxda kula joogi doono xilli ciyaareedkan haatan socda.

Barcelona ayaa Bellerin ka dhigtay badalka xiddiga Sergino Dest kaas oo ka tagay kooxda kuna biiray kooxda Ac Milan.

Bellerin ayaa ku soo laabtay kooxda Barcelona oo ah kooxdii uu ka soo baxay Akademiyadeeda ka hor intii uuna ku biiri Arsenal.