Faahfaahin laga bixiyey shaqaaqo dhimasho geysatay oo ka dhacday Laascaanod

Ciidanka Booliska SSC-Khaatumo ayaa ka warbixiyey israsasaynta xalay magaalada Laascaanood ku dhexmartay ciidan samaynayay howlgal iyo koox hubuysan oo sababay khasaaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Hal qof oo shacab ah ayaa ku dhintay mid kalana waa ku dhaawacmay israsaasaynta dhexmartay booliska iyo kooxda hubaysan sida uu warbaahinta la wadaagay taliyaha ciidanka Booliska SSC-Khaatumo.

Taliyaha ciidanka Booliska SSC-Khaatumo Sareeye Guuto Siyaad Maxamuud Cabdiraxmaan ayaa intaa ku daray in ciidanka oo howlgal samaynaya ay isku dhaceen koox hubaysan, ayna hadda wadaan baaritaan dhacdadaas la xiriira.

Ciidanka xasilinta SSC ayaa xalay hawlgalo amniga lagu sugayo ka bilaabay magaalada Laascaanood, waxaana qofka shacabka ah ee dhintay iyo kan dhaawacmay ay xabadu ugu tagtay goobtii ay ku sugnaayeen.

– Advertisement –






Previous articleWasiir Cali Xoosh oo shacabka ugu baaqay ineysan dhayalsan digniinta DF soo saartay