Wasiir Cali Xoosh oo shacabka ugu baaqay ineysan dhaysalsan digniinta DF soo saartay

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali Xoosh ayaa maanta waxa uu tagay xarunta Qaran ee howlgalada gurmadka deg-deg ah ee SoDMA , waxaana xaruntaan ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Md. Mahamuud Moallim Abdulle iyo ku  xigeenkiisa.

Wasiirka ayaa hay’adda waxa ay ugu warbixisay xaaladihii ugu danbeeyey ee cabsida roobka gu’ga, Dedaallada hay’addaay wado, in labada Toddabaad ee soo socta ay jirto cabsi xoogan loona baahan yahay in wasiirka farimaha digniinaha hay’adda ka soo baxaya uu sii xoojiyo, si bulshada u sii gaarto, in hay’adda goobaha cabsida fatahadaha iyo daadadka laga qabo ay gaarsiisay gargaar iyo agabyo kale oo muhiim ah si dadka hadii ay barakacaan hoy uga dhigtaan.

Mudane Cali Xoosh, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka oo shirjiraa’id si wadajir ah u qabtay ayaa waxa ay hay’adaha ka shaqeeya arrimaha gargaarka ugu baaqeen inay si dhow ula socdaan xaaladda, ayna u diyaar garoobaan saamaynta ka dhalan karta fatahaadaha ka dhasha roobabka la filayo inay dalka ka da’aan, iyagoo bulshada dagan goobaha cabsida lagana qabana ka dalabaday in ay baneeyaan goobahaas .

– Advertisement –






Previous articleGo’aano ka soo baxay shir xasaasi ah oo ka dhacay Balad Xaawo (Sawirro)