Ciidanka Booliiska oo baadigoobaya nin dilal laga naxay ka geestay magaalada Muqdisho

Ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka raadinaya nin shalay labo qof oo shacab ah ku dilay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kaa oo baxsaday markii uu dilka geestay kaddib.

Maamulka Dayniile ayaa sheegay in ay socdaan howlgalo lagu raadinayo gacankudhiigle Axmed Cismaan Geelle oo shalay dil bareer ah u geestay labo nin oo lagu kala magacaabayay Cabdi Nuur Sandheere (Cabdi Gedow) iyo Cabdullaahi Cusmaan Shidane.

Ninka dilka geestay oo ahaa goofley hubeysan ayaa labada qof toogtay xilli ay mooto saarnaayeen, dilaaga ayaana la sheegay in uu khilaaf kala dhaxeeyay mid kamid ah labada nin uu dilay .

Ehelada marxuumiinta la dilay ayaana ka codsaday laamaha ammaanka in gacanta lagu soo dhigo ninka dilka geestay, waxa ayna ka codsadeen hay’adaha dowladda in ninkaasi si deg deg ah caddaaladda loo horgeeyo.

Dilalka ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa u muuqda muddooyinkan dambe kuwa soo kordhaya, waxaana dilalka geesta rag hubeysan oo mararka qaar soo xirta dareeska ciidanka iyo sidoo kale kooxaha dowladda kasoo horjeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –