“Ciidammada SSC-Khaatumo waa u diyaar difaaca dhulkooda”

Laascaanood — Sarkaal sare oo ka tirsan ciidammada SSC-Khaatumo ayaa sheegay in qorshaha qaar ka mid ah ciidammada taageerayay xoogagga SSC dib ugu noqdeen  Mudug ay hahay mid la isla ogaa, markii loo baahdana ay soo noqon karaan.

“Ciidammad SSC-Khaatuml way ku filan yihiin difaaca dhulkooda, wayna uga mahadcelinayaan ciidammada sida xaqa ah ugu soo gurmaday intii ciidammada Somaliland oo u abaabulan hab beeleed ay duqeynayeen Laascaanood“ ayuu yiri sarkaalka sare ee SSC-Khaatumo oo ku sugan duleedka Oog.

“Haddii ciidammada beelaha maamulka Somaliland taageersan ay weerar soo qaadaan dagaalku wuu ka duwaananaan doonaa kii socday sanad kahor. Wuxuu noqon doonaa mid ka socon doona soohdin beeleed dheer. SSC-Khaatumo iyo ciidammada taageerayay weerar kuma qaadin dhulka beelaha Isaaqa. Colaad cusub macne cusub bay yeelanaysaa. Waxaannu u arki doonnaa gardarro dhiigeenna iyo hantideenna lagu bannaysanayo” ayuu yiri xubin ka mid ah maamulka SSC-Khaatumo oo ku sugan Laascaanood.

PUNTLAND POST