Garoowe oo Biyo Mareeno loo samaynayo.

Waxaa maantay magaalada Garoowe laga daah-furey   Daraasad wax looga qabanayo maareynta biyo saarista magaalada Garoowe

Daraasadaan oo horudhac ah  ayaa ka hadlaysa sidii biyaha loo maarayn lahaa islamarkaana magaalada biyo mareeno loogu samayn lahaa si biyo aysan u fariisan xiliyadda roobka.

Daraasadda ayaa  laga samayn doonaa 16 aag oo kamid ah 30 KM oo magaalada inta dhisan iyo dhinacyadeeda ah kuwaas oo ah  aagagga ay daadku dhici karaan islamarkaana magaalada biyo mareeno loogu samayn karo,waxaana .

Daarasadda oo soconaysa 15 bilood ayaa bilaabanaynsa oo ka bilaabanaysa bisha Maarso ee sanadka 2023 waxaana la soo gabagabaynayaa qaybta ugu horays daraasadda sebtember 2024 xiligaas oo dhismaha biyo saarka la bilaabi doono.

PUNTLAND POST.