Agaasimaha Sirdoonka Turkiga oo Muqdisho yimid iyo xog ku aadan ujeedka Safarkiisa

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya soo gaaray Agaasimaha hay’adda Sirdoonka Qaranka ee dalka Turkiga Ibrahim Kalin iyo xubno kale oo saraakiil ah oo la socday.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa kusoo dhaweeyay Agaasimaha Sirdoonka Turkiga, saraakiil katirsan ciidanka NISA iyo masuuliyiin kale oo katirsan dowladda Soomaaliya.

Agaasime Ibrahim Kalin ayaa la filayaa inuu la kulmo Madaxda dalka ugu sarreysa qaarkood iyo sidoo kale Agaasimaha cusub ee hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka  Soomaaliya C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Safarka ayaa wuxuu daaran yahay iskaashiga iyo xoojinta xiriirka labada Sirdoon ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo ay qeyb ka tahay la dagaalanka Argagixisada, oo uu Turkiga si weyn ugu taageerayo dowladda Soomaaliya.

Dowladda Turkiga ayaa si weyn u taageerta Soomaaliya, waxa ayna si gaar uga taageerta la-dagaalanka kooxaha argagaxisada ah, tababarada iyo qalabeynta ciidanka , waxa ay sidoo kale labada dhinac leeyihiin iskaashi dhinacyo badan leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleRa’isul Wasaare Xamse oo Caddeeyay in teendho dambe aysan ka dhici doonin Doorasho