Ra’isul Wasaare Xamse oo Caddeeyay in teendho dambe aysan ka dhici doonin Doorasho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaanta siinayso hirgelinta dhab-u-heshiisiin loo dhan yahay, taas oo horseedda in shacabka Soomaaliyeed ay ka dawoobaan haarihii iyo dhibaatooyinkii soo kala gaaray wakhtiyadii adkaa ee dalku soo maray.

Ra’iisul Wasaaraha oo Daahfurka Geeddi socodka hirgelinta Hannaanka dhab-u-heshiin Qaran, oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, ayaa tilmaamay in bulshada Soomaaliyeed ay dhaqan soo jireen ah u leedahay nabadeynta iyo xakamaynta colaadaha sokeeye, iyada oo ay hormuud u yihiin culimada, nabaddoonnada dhaqanka iyo haldoorka bulshada.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyey in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, oo dadweynaha Soomaaliyeed ay ku soo doortaan hoggaankooda.

“Annaga ma qarineyno beenna kama sheegayno, way noo caddahay waana ku shaqeynaynaa mar kale in aanaan ku laaban doorashadii teendhada, qofkii raba in aan ku sii soconno ha ogaado waagii dhaweyd halistii aan galnay, masuuliyadda na saaran ayaa na faraysa in aanaan ku laaban wixii la soo maray”. Ayuu yiri Xamse Barre.

Hadalka Ra’isul Wasaare Xamse Barre ayaa u muuqda in dowladda hadda jirta ka shaqeeneyso qabashada doorasho qof iyo cod oo shaki weyn la galinayo in ay dhici karto labo sanno kaddib.

Dowladda hadda jirta ayaana shaki badan laga qabaa in ay dooneyso muddo kororsi dadban in ay sameesato ,si qabsoomida doorasho qof iyo cod ah mar marsiiyo uga dhigato, iyadoona shaki la galinayo in muddo labo sanno kaddib dalka ka dhici karto doorasho qof iyo cod ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –