Burkina Faso ayaa heshiis ku saabsan warshadda tamarta nukliyeerka la gashay Ruushka

Published: October 13, 2023

Dowladda Burkina Faso ayaa sheegtay maanta oo Jimce ah, in ay heshiis kula gashay Ruushka dhismaha warshad tamarta Nukliyeerka ah si ay u daboosho baahida tamarta ee dadweynaha.

Burkina Faso ayaa tan iyo sanadkii hore waxaa ka talinayay dowlad milateri ah oo uu hogaamiyo (Kabtan Ibrahim Traoré) oo xiriir dhaw la sameysatay Ruushka, isla markaana xiriirka u jaray dowlada Faransiiska oo horey dalkaasi u gumeysatay.

Heshiiskan ayaa lagu saxiixay Todobaadka Tamarta ee Ruushka kaas oo ka dhacay magaalada Moscow, waxaana goob joog ka ahaa wasiirka tamarta Burkina Faso, Simon-Pierre Boussim.

Wakaalladda Atoomikada ee dawladda Ruushka ee Rosatom ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay, heshiiskan is-fahamka ah inuu yahay heshiiskii ugu horreeyay ee ku saabsan adeegsiga nabdoon ee tamarta Atoomikada ee u dhexeysa Ruushka iyo Burkina Faso.

Ruushka ayaa sheegay in heshiisku uu dhidibbada u taagay iskaashiga dhinacyada ay ka mid yihiin isticmaalka tamarta Nukliyeerka ee warshadaha, beeraha iyo dawooyinka.

Horseed Media