FRANCE: Hal qof ayaa ku dhintay weerar lala beegsaday Iskuul

Published: October 13, 2023

Weerarkan ka dhacay magaalada Arras ayaa imaanaya iyadoo dalka Faransiiska oo ay ku nool yihiin dad badan oo Yuhuud iyo Muslimiin isugu jira ay ka feejigan yihiin khataro dhanka ammaanka ah, kaddib weerarkii Xamaas ay ku qaadday Israa’iil todobaadkii hore.

Ninka weerarka geystay oo 20 jir ah, oo aan magaciisa la sheegin, ayaa ka soo jeeda gobolka Chechnya ee Muslimiinta Ruushka, wuxuuna horey ugu jiray diiwaanka qaranka Faransiiska ee loo yaqaan “Fiche S” ee dadka khatar gelin kara ammaanka, sida ay booliska u sheegeen AFP.

Weerarkan oo loo adeegsaday mindi / tooreey ayaa lagu dilay mid kamid ah Macalimiinta, waxaana lagu dhaawacay labo qof oo kale oo uu ku jiro waardiyihii iskuulka, ma jiro wax khasaaro ah oo soo gaaray ardayda.

Eedaysanaha weerarka geystay ayaa ku qayliyay “Allaahu akbar!” (Ilaah baa weyn!), Sida laga soo xigtay goob-joogayaal.

Tuhmanaha ayaa waxaa xiray booliiska, wasiirka arrimaha gudaha Gerald Darmanin ayaa ku qoray bartiisa Twitter (X).

Walaalkiis, oo 17 jir ah, ayaa lagu xiray meel u dhow dugsi kale, sida ay sheegeen Booliiska.

Baaritaan argagixisanimo ayaa hada la billaabay sida uu sheegay xafiiska xeer illaalinta.

Xalay ayey magaalada caasimada ah ee Paris ka dhaceen banaanbaxyo lagu taageerayo Falastiin, iyadoo booliiska ay awood u adeegsadeen dadka banaanbaxayey.

Horseed Media