Qatar iyo Maraykanka oo ku kala aragti duwanaaday dagaalka Gaza

Published: October 13, 2023

Raysalwasaaraha Qatar Sheikh Mohammed Bin Abdulrahman al-Thani oo shir jaraa’iid la qabtay Xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka Antony Blinken oo maanta booqday dalkaasi, ayaa sheegay in dowlada Qatar kasoo horjeedo duqeynta ku socota Gaza, isla markaana ay wadaan dadaal lagu soo siideynayo dadka ay qafaasheen Xamaas.

Blinken oo maanta booqasho ku tagay dalka Qatar ayaa dadaal ugu jira in wadankaasi ka caawiyo soo siideynta dadka ay Xamaas gacanta ku dhigtay oo gaaraya 150 qof oo ay ku jiraan 27 muwaadin oo Mareykan ah.

Qatar iyo Mareykanka ayaa u muuqday inay ku kala aragti duwan yihiin duqeynta Israel ka wado Gaza, iyadoo Qatar sheegtay in xabad joojin la sameeyo isla markaana wado loo furo Gaza sidii gargaar bini’aadamnimo loo gaarsiin lahaa siduu sheegaya Sheikh Mohamed al-Thani.

Blinken ayaa dhankiisa sheegay in Israel ay xaq u leedahay in ay is-difaacdo isla markaana ka hortagto in Xamaas markale ay soo weerarto, isagoo ka gaabsaday su’aalo saxaafada weydiisay ee Xasuuqa iyo baro-kicinta ay Israel ka wado Gaza.

Xoghayaha Arrimaha dibada Maraykanka ayaa saaka goor sii horeysay magaalada Amman ee dalka Urdun (Jordan) kulan kula yeeshay Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas, wuxuuna Blinken sheegay inay ka wadahadleen sidii maamulka Falastiin kala shaqeyn lahaa Israel in la dajiyo xaalada dhulka Daanta Galbeed ee dhulka la heysto.

Horseed Media