Maxay ka wada hadleen Hogaamiyaha SSC iyo danjire Micheal Keating? (Sawirro)

Hoggaamiyaha SSC Cabdiqaadir Aw-Cali ayaa kulan la qaatay Ergeygii hore ee Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya haddeerna ah Agaasima Sare ee Machadka Nabadda Yurub Amb. Micheal Keating oo uu weheliye La Taliye Sare Mudane Nuradin Dirie.

Kulanka ayaa lagaga wada hadlay arrimo ay ugu muhiimsanayd ahmiyadda ay nabaddu leedahay, iyadoona la iska xog waraystay duruufaha ku gadaaman nabadda iyo qaababka ay tahay in loo wahajo nabad dhalinta.

Hoggaamiye Cabdiqaadir ayaa xusay in SSC-Khaatumo ay markasta diyaar u yihiin in ay nabad kula noolaadaan derisyadooda, ayna ballanqaadayaan in ay isxakamayn doonaan una hoggaansami doonaan baaqyada caalamiga ah ee nabadda sida, haddii aan lagu soo xadgudbina ay mabdaba’aas ku taagnaan doonaan.

Ugu danbayn, Hoggaamiyaha ayaa uga mahadceliyey Safiirka Booqashadiisa, isagoona bogaadiyay dedaalada Machadka Nabadda Yurub ugu jiro sidii loo adkayn lahaa Nabadda Soomaliya.

– Advertisement –