Kulan Wadatashi ah oo u dhaxeeyay DFS iyo Dowlad goboleedyada oo Muqdisho ka furmay

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Cali Yuusuf Xoosh ayaa maanta caasimadda Muqdisho ku daah-furay kulanka wadatashiga dowlad goboleedyada, maamulka gobolka Banaadir iyo Maamulka KMG ee SSC-Khaatumo ee dib u eegista qorshaha howlgelinta nidaamka aqoonsiga.

Wasiirka oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in nidaamka aqoonsiga dadweynaha uu muhiim u yahay dalka oo kasoo kabtay bur bur iyo colaado, waxa uuna xusay in muhiim tahay in la ogaado qof kasta raadraaciisa dhab ah si loo aqoonsado.

“Nidaamkan waxaa uu muhiim u yahay dalkan oo muddo soo burbursanaa, oo qofku waxa uu yahay aanu caddeyn, adduunkana ma jirto meel aan qofka loo abtirin karin, qofkana waxaa abtiris u ah aqoonsigiisa”. ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh.

Wasiirka oo sii hadlaya ayaa intaa ku daray “Barnaamijkan caasimadda ayuu yaalay, maanta waxaa wadatashiga la bilaabay si gobollada u gaaro waa fursad danta qaranka iyo umadda Soomaaliyeed u wanaagsan, waxaana la heli doonaa kaarar la qaadanayo, shaqo, iyo hab lagu kala ogaanayo dambiilaha iyo dadka kale.

Kulanka wadatashiga ah ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho waxaa  soo qabanqaabisay hay’adda NIRA , waxaana lagu wadaa in lagu falanqeeyo dib u eegista qorshaha howlgelinta Nidaamka Aqoonsiga(SNID).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –