Aadan Madoobe iyo Midowga Musharaxiinta Koonfur Galbeed oo isfahan gaaray

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay mar kale hoygiisa Muqdisho kulan kula qaatay siyaasiyiinta ku Midoobay Midowga Musharaxiinta iyo Madasha Badbaadada Koonfur Galbeed, shirkaas oo looga hadlay xiisadda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.

Siyaasiyiinta iyo Guddoomiyaha Aadan Madoobe ayaa Isla qaatay in laga wada qeyb galo gogosha 5-ta Janaayo taala magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, kaddib markii laga wada hadlay saluugi ay horay uga muujiyeen shirka dib u heshiisiinta, arrimahaas oo qaarkood laga wada heshiiyay qaarka kalena shirka lagu xalin doono, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Dhanka kale waxay wax laga xumaado ku tilmaameen shaqaaqadii ka dhacay Baydhabo 23- December 2022, isla-markaana Guddoomiyaha uu ka shaqeeyo in guryihii ay waxyeelada ka soo gaartey shaqaaqadaas lagu soo celiyo gacan ku hayntooda cidii iska laheyd si loo abuuro jawi xasiloon lagana fogaado waxkasto oo keeni kara gacan ka hadal dambe lagana dheeraado wax abaabul dagaal u eg.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa siyaasiyiinta la wadaagay in tabasha kasta oo la kala qabo lagu xalin doono shirka loo madlan yahay horaanta bisha Janaayo, isagoo adkeeyay in laga wada shaqeeyo xasiloonida iyo horumarka deegaanka, si Koonfur Galbeed u noqoto meel xasilooni siyaasadeed ka jirto dadkeeda na kuwada noolyihiin kalsooni iyo midnimo.

PUNTLAND POST