Masar oo digniin culus ka bixisay weerarka ciidamada Israel ku galeen Rafah

Masar ayaa dhaleeceysay howgalka Israel ee Rafax, waxayna uga digtay in la wareegistooda goobta laga galo Rafax ay khatar ku tahay nolosha in ka badan hal milyan oo reer Falatiin ah kuwaas oo ku tiirsan gargaarka.

Masar ayaa si weyn uga walaacsan waxa ka socda Gaza. Waxay wadaagaan xaduud iyadoo qeyb ka mid ah Rafax ay ku taal Masar, waxayna maamulaan halka laga soo galo qeybtaas.

Sidoo kale waxay uga digtay Israel in aysan sameyn wax khatar ku ah “Dadaalka lagu doonayo in lagu gaaro xabad joojin waarta”.

Masar aad ayey arintan u daneyneysaa maadama ay dhexdhexaadineyso in Xamas iyo Israel ku heshiiyaan xabad joojin. Hadalka Masar waa mid mug weyn leh, waana dalka ugu muhiimsan carabta ee Israel la galay heshiis nabadeed.

Masar ayaa si weyn uga walaacsan waxa ka socda Gaza. Waxay wadaagaan xaduud iyadoo qeyb ka mid ah Rafax ay ku taal Masar, waxayna maamulaan halka laga soo galo qeybtaas.

– Advertisement –






Previous articleSilver General Company (SGC)