Xildhibaanada golaha Shacabka oo maanta ansixiyay Saddex Hindise-sharciyeed

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay hindise-sharciyeedka hay’adda xisaabiyeyaasha Soomaaliyeed, oo horey usoo meel mariyeen golaha wasiirrada Soomaaliya.

Hindise-sharciyeedkan waxaa ansixiyay ogolaatay 149-Xildhibaan, halka uu diiday hal xildhibaan , mana jirin wax xildhibaan ah oo ka aamusay ansixintan, guddoonka golaha ayaana ayaana caddeeyay in hindisahan ansax yahay.

Hindisahan maanta la ansixiyay waxaa soo gudbisay oo golaha horgeysay wasaaradda Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya , wasaaradda ayaana golaha uga mahad celisay ansixinta xeerka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa sidoo kale  ansixiyay heshiiska ku biirista Urur goboleedka dhaqaalaha Bariga Afrika, waxaana Haa ogolaatay 148-Xildhibaan hal Xildhibaan ayaa diiday Hal Xildhibaanna waa uu ka aamusay.

Sidoo kale xildhibaanada ayaan ansixiyay hindise-sharciyeedka ilaalinta maareynta deegaanka oo dib loogu soo celiyey Golaha Shacabka, si loo waafajiyo qodobka 82aad fagradisa 4aad ee Dastuurka KMG,waxaana, Haa ku ogolaatay 150-Xildhibaan, mana jirin Xildhibaano diiday ama ka aamusay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –