Soomaaliya oo loo tababaray ciidan ilaaliya Badda.

Raysalwasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta ka qaygalay dhoolatus ay soo bandhigeen ciidan ay Midowga Yurub u tababareen ilaalada xeebaha Soomaaliya.

Raysalwasaare Xamse kula kulmay markab ka tirsan kuwa Midowga Yurub ee howlgalka Atalanta  saraakiil ka tirsan kuwa Midowga Yurub oo uu ku boggaadiyay doorkooda dib u dhiska ciidanka ilaalada xeebaha Soomaaliya iyo howlgalka Atalanta.

Midowga Yurub  ayaa hadda sare u qaaday howlgalkooda Atalanta iyo dhaqdhaqaaqooda xeebaha Soomaaliya ee soo bilowday 2008 , kaddib markii xeebaha Soomaaliya ay ka dhaceen howlgallo ay kooxo Soomaali ah ku soo qafaasheen maraakiibta ganacsiga.

Laakin howlgalkan oo sannad walba muddo kordhin helayay ayaa markan cadaadis kala kulmaya Turkiga oo heshiis gaar ah la gaaray Soomaaliya kaa oo uu ku qabanayo shaqadii ay Midowga Yurub ku joogeen xeebaha Soomaaliya.

Heshiiska Turkiga iyo soomaaliya oo soconaya muddo 10 sanno ah ayaan laga soo dhaweyn Midowga Yurub tana waa sababta ku qasbaysa inay dib u hagaajiyaan iskaashigooda Soomaaliya  sida ay qabaan khubarada ka faaloota arimaha.

PUNTLAND POST.