Dowladda Jabuuti oo marti-qaad rasmi ah u soo dirtay Isimada dhaqanka SSC

Dowladda Jabuuti ayaa marti-qaad rasmi ah u fidisay golaha sare ee Isimada dhaqanka SSC-khaatumo sida ay wararku xaqiijinayaan.

Dowladda Jabuuti waxay sidoo kale casuntay madax-dhaqameed ka socda Somaliland kuwaas oo la doonayo in ay la kulmaan isimada dhaqanka SSC.

Weli xog sugan lagama helin sababta dowladda Jabuuti u marti-qaaday hoggaanka dhaqanka Somaliland iyo SSC-khaatumo islamarkaana lama shaacin ajandaha kulankooda.

Dhinaca kale weli ma cadda in golaha dhaqanka SSC-khaatumo ajiibi doonaan marti-qaadka Jabuuti si ay ula kulmaan madax-dhaqameedka Somaliland.

PUNTLAND POST