Xarunta gobolka Banaadir oo si weyn loogu soo dhaweeyay Xubno ka socday Ururka EAC (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kusoo dhaweeyay xubno ka socday Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo maalmahaan Muqdisho u joogay sidii ay qiimeyn ugu sameyn lahaayeen ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka EAC.

Munaasabadda soo dhaweynta oo aheyd mid isugu jiray casho sharaf iyo soo bandhigida Hidaha iyo Dhaqanka Soomaalida ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda, Ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya u qaabilsan Ururka EAC, Danjiraha Soomaaliya u fadhisa Tanzania, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir, Taliska Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar, Madaxda Maamulada Degmooyinka iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxa Xafiiska Ururka Bulshada Bariga Africa Mrs. Tiri Marie Rose oo Munaasabadda ka hadashay ayaa waxa ay si weyn ugu mahadcelisay soo dhaweynta weyn ee iyada iyo wafdigeeda loogu sameeyay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, iyadoona rajo weyn ka muujisay ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka EAC oo ay ku mideysan yihiin dalalka Kenya, Uganda, Tanzania, DR Congo, Rwanda, Burundi iyo South Sudan.

Ergeyga Soomaaliya u qaabilsan Ururka EAC Danjire Cabdisalaan Hadliye iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abshir Cumar Jaamac (Haruuse) oo dhankooda ka hadlay Munaasabadda ayaa waxa sheegeen in wafdiga EAC oo muddo ku dhaw labo isbuuc ku sugnaa Magaalada Muqdisho ay wax badan qiimeyn ku sameeyeen, iyagoona xusay in ku biiritaanka Soomaaliya ee Ururka EAC wax badan kusoo kordhin doonno suuqa ganacsiga dalalka Geeska.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo gaba-gabadii Munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay ku faraxsan yihiin marti-gelinta Wafdiga Ururka EAC si ay u arkaan horumarada iyo kobaca dhaqaale ee ka jira guud ahaan Soomaaliya iyo gaar ahaan Caasimadda Muqdisho oo ay ku taala suuqa ugu weyn bariga Afrika ee Bakaaraha.

Sidoo kale Duqa Muqdisho waxa uu xusay in wafdiga mudada ku dhaw labada isbuuc oo ay joogeen ay arkeen wax badan oo sahli kara in Soomaaliya ay ku biirto EAC, asigoona rajeeyay in quimeynta la sameeyay ay noqon doonto mid buuxisa shuruudaha la doonayay.

Inta Munaasabada ay socotay ayaa waxaa lasoo bandhigay Cuntooyinka Wadaniga, Cayaaraha Hidaha iyo Dhaqanka Soomaalida, iyadoona ugu danbeyn Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho uu Hadiyad Qaali ah oo ka turjumeysa astaamaha dhaqankeena guddoonsiiyay Xafiiska Ururka Bulshada Bariga Afrika ee EAC.

– Advertisement –