Qatar oo Laaluush ku bixisay si aan loola dagaalamin Daalibaan (Cadeymo Dukuminti)

Warar Ilo-wareedyo sugan laga soo xigtay ayaa kashifay in Madaxweynihii hore ee dalka Afgaanistaan, Ashraf Ghani, Marshal Abdirashid Dostun iyo Atta Maxamed Nuur ay Lacag Malaayiin Dollar ka qaateen Dowladda qatar, si aysan ula dagaalamin Dagaalamayaasha Daalibaan .

Hoggaanka Ururka Daalibaan waxay Talada dalkaasi la wareegeen bishii August 15-dii ee sanadkii 2021-kii, waxayna dhiseen Maamul Imaaraad Islaami ah, iyagoo bedelay Astaantii calanka dalkaasi. Dowladda Qatar ayaa door muuqda ka qaadatay hawlaha dib-u-heshiineed ee dalkaasi, gaar ahaan Heshiiskii Daalibaan la gashay Dowladda Maraykanka iyo Xeelladii ay Daalibaan mar kale ula wareegtay Awooda dalka Afgaanistaan.

Waxaa jirey Weydiimo jawaab loo la’aa, taasi oo ku aadan Xogta Dahsoon ee Daalibaan u fududeysay inay si sahal ah u jibaaxaan Ciiddankii dowladda Afgaanistan ee xoog lahaa iyo qaabkii ay Maleeshiyada Daalibaan ula wareegeen Qalcadihii iyo Saldhigyadii Milliteri ee inta badan Goballada dalkaasi.

Caalamka waxay la fajaceen qabsashadii Daalibaan ee Caasimadda Kabul iyo sida uu Madaxweyne Ashraf Ghani halhaleelka uga duulay Kabul, iyadoo aan wax Dagaal ah lala gelin Maleeshiyadii Daalibaan ee isku ballaariyey Caasimadda iyo daafaheeda.

Sidoo kale, marna lama filaynin inuu jiray Heshiis hoosaad soo dedejiyey Cararkii Madaxweyne Ashraf Ghani iyo Madaxda kale ee ugu tukunka weynaa Xukuumadda iyo Ciiddanka Qaranka ee dalkaasi.

Haddaba, waxaa daaha laga rogay Warbixin Baaritaan (An investigative Report) oo ku aadan Xogaha Qarsoonaa ee soo dedejiyey inay mar kale Daalibaan qabsadaan Talada dalkaasi.

Shabakadda Wararka Talyaaniga ee (Italian TG1 News Network) ayaa jugdi gelisay Baaritaanada Laaluush ay Dowladda Qatar ku bixisay si aysn Madaxdii Afgaanistan ula dagaalamin Daalibaan, si ay ula wareegaan Talada dalkaasi .

Warbaahinta TG1 News waxay soo heshay Xogta Lacagaha Laaluushka ee ay Dowladda Qatar siisay Madaxweynihii Afgaanistaan, Ashraf Ghani iyo Labo ka mid ah Madaxda saamaynta ku lahaa Awooda Ciiddan.

Warbaahinta Talyaaniga ee TG1 News Network waxay soo bandhigtay Dukumentiyada Kharajkii la bixiyey ee dhabaha u furay inay Daalibaan mar kale qabsadaan Talada dalkaasi.

Lacagaha Dowladda Qatar ay Laaluush ahaanta u bixisay si aan loola dagaalamin Daalibaan ayaa lagu kala sheegay sidatan:

☆ Madaxweynihii hore ee Afgaanistaan, Ashraf Ghani waxaa la siiyey 110 milyan oo Dollar,
☆Marshal Abdirashid Dostum waxaa la siiyey 51 milyan oo Dollar,
☆ Atta Mohamed Noor waxaa la siiyey lacag dhan 61 milyan oo Dollar .

Dhinaca kale, Warbaahinta Dowladda Talyaaniga dhawaan daabaceen 3 Dukumenti oo muujinaya Warqadihii Lacag Bixinta Laaluushka (The receipt of bribes ) ee la siiyey Saddexdaasi Hoggaamiye ee ugu caansan Afghanistan, ka hor intaysan burburin Dowladii la aqoonsanaa ee dalkaasi.

Dukumentigu waxa uu muujiyey in Ajmal Ahmedi oo ahaa Agaasimihii Bangiga Dhexe ee Afgaanistaan uu qaaday isagoo wakiil ka ah Madaxweyne Ashraf Ghani lacag dhan 110 milyan oo Dollar, iyadoo uu Ajmal Ahmedi saxiixay warqadda lacag bixinta (The recept).

Sidoo kale, Marshal Abdirashid Dostum oo ahaa wakiilka Khaaska ee Madaxweynihii hore ee dalkaasi waxaa la siiyey 51 million oo Dollar, waxaana Lacagta Laaluushka loo sii marsiiyey Wakiilka Qatar u jooga Caasimadda Afgaanistaan ee Kabul.

Abdirashid Dostum waxaa lagu bogaadiyey Iskaashiga daacadnimada ee goobaha Dagaalka ee Goballada Waqooyi ee dalkaasi, sida Goballada Faryab iyo Jawzjan.

Atta Mohamed Ahmedi oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Gobalka Balkh waxa la siiyey Lacagta Laaluushka oo dhan 61 milyan oo Dollar, waxaana wakiil uga ahaa lacagtaasi Farxad Azimi oo la kulmay Ergayga dowladda Qatar u jooga caasimada Afgaanistaan ee Kabul.

Waxaa kaloo jira Warqado ay saxiixeen saddexda Hoggaamiye ee Laaluushka loo siiyey si ay u diidaan in wax Iska-caabin ah lagala hortago Dagaalamayaasha Daalibaan.

Dukumentiga waxa uu muujiyey in ashraf Ghani Laaluushka loo siiyey si uu u diido Amarka in wax dagaal Iska-caabin ah lala galo Daalibaan.

Marshal Abdirashid Dostum iyo Atta Maxamed Nuur waxaa Lacagta ka timid Dowladda Qatar loo siiyey inaysan Daalibaan kula dagaalamin Waqooyiga Afgaanistan.

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweynihii hore ee Afgaanistaan, Ashraf Ghani iyo Dowladda Qatar weli kama aysan hadlin Eedeynta Lacagaha Laaluushka ee horseeday in Daalibaan loo fududeeyo inay mar kale qabsadaan Talada dalkaasi.

Wakiilka Abdirashid Dostum waxa uu gaashaanka ku dhuftay Warbixintaasi.

Qalinka: Ustaad Nuradin 
Xigasho: Warbaahinta TG1 News, Italy

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –