Xamaas oo sheegtay inay iska difaacday duulaanka dhulka ee Israa’iil

Published: October 28, 2023

Garabka hubaysan ee Xamaas ayaa sheegay Jimcihii inay ciidamada Israa’iil kula dagaallameen laba aag oo ku yaalla Qasa, ka dib markii Israa’iil ay sheegtay inay kordhisay hawlgallada dhulka ah ee ay ka waddo Falastiin.

“Waxaan wajahaynaa duulaanka dhulka Israel ee Beit Hanoun (waqooyiga marinka Qasa) iyo bariga Bureij (bartamaha Qasa) waxaana ka dhacay iska horimaadyo adag,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Guutada al-Qassam.

Ciidamada cirka iyo dhulka ee Israa’iil ayaa sare u qaaday howlgallada ay ka wadaan marinka Qasa, afhayeenka guud ee militariga Israa’iil ayaa sidaa sheegay Jimcihii shalay, iyadoo ay duqeyntii ugu cusleyd ay ka dhacday Qasa, halkaas oo laga jaray adeegyada internetka iyo taleefoonnada gacanta.

Khubarada militariga ayaa saadaalinaya in Israa’iil ay dooneyso inaysan hal duulaan oo weyn oo dhulka ah ku qaadin Qasa, balse weeraro goos goos ah ku qaado, kadibna duqeyn cirka iyo madaafiic la beegsato aagaga ay kala kulanto iska-caabinta dagaalyahanada Xamaas.

Horseed Media