Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay oo cod aqlabiyad ah ku taageeray xabad joojinta Gaza

Published: October 28, 2023

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyey qaraarkii ay soo gudbiyeen dalalka Carabta, isla markaana diiday codsiyo ay soo gudbiyeen Mareykanka & Kanada.

120 Wadan ayaa si buuxda u taageeray in Xabad Joojin la sameeyo, halka ay diideen 14 wadan oo ay ku jiraan Israel & Mareykanka, waxaana ka aamusay 45 wadan. Dalalka xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ah guud ahaan gaaraya 193 dal.

Dalalka diiday inay taageeraan oo ay ugu horeeyaan Mareykanka iyo Israel ayaa waxaa ku wehliyey dhowr dal oo Yurub ah iyo jasiiradaha yaryar ee siyaasad ahaan hoostaga Mareykanka.

Qaraarka waxaa soo gudbiyey dalalka taageeraya Falastiin oo kala ahaa:

Bahrain, Bangladesh, Belize, Bolivia, Botswana, Brunei Darussalam, Comoros, Cuba, Democratic People’s Republic of Korea, Djibouti, Egypt, El Salvador, Indonesia, Iraq, Jordan, Kuwait, Lebanon, Libya, Malaysia, Maldives, Mauritania, Morocco, Namibia, Nicaragua, Oman, Pakistan, Qatar, Russian Federation, Saint Vincent and the Grenadines, Saudi Arabia, Senegal, Somalia, South Africa, Sudan, Türkiye, United Arab Emirates, Venezuela (Bolivarian Republic of), Yemen, Zimbabwe iyo State of Palestine

Wuxuuna qaraarkan ku baaqayey xabad joojin bini’aadamnimo iyo in Gaza loo fasaxo gargaarka bini’aadamnimo iyo qaadista xayiraada Israel.

In kastoo go’aanada kasoo baxa Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay aysan khasab ahayn in la qaato, balse taageerada Caalamka ayaa muuqata inay jirto dhanka Falastiin, isla markaana Mareykanka iyo xulafadiisa laga tiro batay.

Mareykanka iyo Kanada ayaa kulankii Jimcihii soo gudbiyey qoraalo lagu bedalayo eray-bixinta qaraarka iyo in lagu daro cambaareynta Xamaas, balse codsigaasi ayaa cod aqlabiyad ah lagu laalay.

Kahor intaan codbixinta ka dhicin Qaramada Midoobay ayey Israel xalay bilowday duqeyntii ugu xoog badneyd oo ay la beegsaneyso Gaza, isla markaana gebi ahaan jartay isgaarsiintii telefonada iyo internetka.

Horseed Media