Inkastoo milliteriga Masar wadaan baaritaanka gantaalkii iyo diyaaradii dronka ee shalay ku dhacay magaallooyinka Daaba iyo Nuyabac ayaa waxay wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Israel soo saartay Bayaan ay iskaga fogeynayaan inay Duqeymahaasi ka dambeeyeen.
Muddo hal toddobaad gudaheeda waxaa dalka Masar ka dhacay saddex weerar oo mid ka mid ah uu geystay taangi ay ciiddanka maamulka Israel leeyihiin, waxaana hadda socda baaritaannada weeraradaasi.
Bayaanka afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Israel waxa uu ku sheegay inay Xuutiyiinta Yemen ka dambeeyeen gantaalkii iyo diyaaradii droneska ee shalay ku habsaday Masar, waa sida hadalka loo dhigay.
Waxa uu intaasi ku daray inay Xuutiyiinta weerarkaasi la maaganaayeeen inay Israel ku waxyeeleeyaan, waa sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka kale, Afhayeen u hadlay Milliteriga Masar, Maxamed Samiir C/Cassis ayaa sheegay in gantaalka iyo diyaaradii droonka ee shalay ku dhacay gobalka Koonfurta Siinaay ahaayeen kuwo ka yimid Koonfurta Badda Cas, kuna wajahnaa Israel.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]