Wiilkii la magac baxay ‘Madaxweynaha TikTok’ oo Muqdisho lagu dhaawacay

Koox hubaysan ayaa caawa magaalada Muqdisho ku dhaawacay labo wiil oo mid yahay Bilaal Bulshaawi oo caan ka ah baraha bulshada, lana magac baxay ‘Madaxweynaha TikTok’.

Dhaawaca labada wiil ayaa la geeyay cisbitaalka Digfeer oo lagu tacaalayo, Bilaal waxaa xabadi kaga dhacday daanka, halka wiilka kale ay kaga dhacday lug.

Labada wiil ayaa marka la dhaawacayo fadhiyay maqaaxi ku taalla isgoyska Banaadir, welina lama oga waxa ay tahay cidda weerarka u gaysatay.

Magaalada Muqdisho waxaa maalmihii dambe ku soo badanayay falal amni darro, iyadoo dowladduna ay inta badan ka hadlin.

PUNTLAND POST