Wasiirka Warfaafinta JSL oo Jawaab Adag ka Bixiyay Hadal ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dawlada Soomaaliya

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal ka soo yeedhay wasiirka arrimaha dibedda dawladda aan iskeed isu maamulin ee Soomaaliya, kaas oo sheegay in la soo afjarayo wax uu ugu yeedhay been Somaliland isu sheegeysay 33-kii sanno ee ugu dambeeyay, balse wasiirku waxa uu bulsahda faray in la soo afjaro hadalkiisa oo la beeniyo.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), waxa kale oo uu warbaahinta Somaliland qaybaheeda kala duwan ka codsaday in ay qayb weyn ka qaataan weyneynta maalinta Qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-ka May, waxaanu ku booriyay inay wanaaga iyo quruxda qaranka ay bulshada gaadhsiiyaan.

Geesta kale waxa uu guud ahaan bulshada reer Somaliland ugu baaqay in dabaaldega maalintan qaran ay xil-weyn iska saaraan, isla markaana ka dhigaan maalin umaddu wada leedahay.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Maalin dhaweyd waxa hadlay wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya, wuxu yidhi ‘Waxaanu soo af-jaraynaa beentii 33-ka sanno reer Somaliland isku akhriyayeen oo aanu beeninaynaa. Inaguna waxa aynu beenineynaa huuhada la isku shubayo ee la leeyahay Somaliland baynu soo af-jaraynaa, waxaana beenin-kara bulsahda JSL oo isku dhan, dowlad, xisbiyo, waxaynu nahay umad wax beenisa, waxna qabsata, waxna horumarisa.”

Wasiirku waxa uu intaasi ku daray “Warbaahintu qayb weyn ha ka qaadato, wanaaga iyo quruxda qaranka bulshada haw bandhigaan, qurbajoogtana wax fiican ha loo gudbiyo, muuqaal fiican u gudbiya, dhagtooda iyo qalbigooda ka farxiya.”

Wasiir Cali Mareexaan, sidoo kale waxa uu bulshada reer Somaliland u ugu baaqay in ay u diyaargaroobaan xuska maalinta Qaran ee 18-ka May, isuna abaabulaan sida ugu wacan, waxaanu yidhi “Toban cisho ayaa innaga xigga 18-ka May, markaa waxa aynu u baahanahay in diyaargarowga, dabaaldega iyo dhoolatuska iyo quruxda iyo cududeena taageero in aynu muujino, in aan loo kala hadhin, ilaa maalinta u dambaysa ee dabaal-degga u weyni uu dhici doono ee ah maalinta 18 May, ahna maalintii Qaranka haddii ALLE yidhaahdo.

Munaasibaddani waa 33 Guuradii Qarannimada Somaliland, intaas ba horumar, dhisme iyo dadaal ayaa ka jiray dalka, dhalinyarada hadda joogta waxa ay magaalada Hargeysa soo gaadheen iyada oo sidan u dhisan oo u qurux badan, balse dadka waaweyni waxa ay soo gaadheen iyada oo aad odhaneyso ma Yowmal Qiyaamihii ayaa dhacay oo guri aanu taagnayn, oo aanu masaajid taagneyn, oo geed taagnayn, wixii inoo hadhay wanaag iyo horumar ayaynu ku hiigsan doona haddii ALLE yidhaahdo, fariintayaduna waxa weeye in maalintan aad ka dhigtaan maalin umaddu leedahay oo awoodiina aad isugu geysaan, ka Somaliland jecelina uu qalbiga ka farxo, ka Jamhuuriyadda Somaliland necebina uu qalbiga ka naxo.”