Guddida Heer Qaran ee Xuska 18 May oo Bulshada JSL Ugu Baaqay In Si Weyn Loogu soo Baxo Munaasibada Qaran

Hargeysa (Dawan) Guddida heer Qaran ee munaasibada Sannad Guuradii 33-aad ee maalinta qarannimada Jahmhuuriyadda Somaliland ee 18-ka May, ayaa hambalyo u diray guud ahaan shacabka reer Somaliland, kuna dardaaray in ay nabad-galiyadooda ilaashadaan, inta lagu gudo jiro dabaal-dega maalinta qarannimada iyo madax-banaanida Somaliland.

Guddida qabanqaabada oo uu guddoomiye u yahay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sidoo kale waxa xubno ka ah wasiirka wasaaradda warfaafinta, wasiirka beeraha, wasiirka waxbarashada, wasiirka diinta, guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex iyo duqa caasimada Hargeysa.

Guddida qaban-qaabada xuska 18-ka May, oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaarada warfaafinta Somaliland, waxa ay qurba-joogta reer Somaliland u soo jeediyeen in ay beesha caalamka iyo bulshooyinka wadamada ay ku nool yihiin ay u muujiyaan maalinta qarannimada Somaliland, isla markaana tusaan siday uga go’an tahay shacbiga Somaliland.

Guddida heer Qaran ee munaasibada Sannad Guuradii 33-aad ee 18-ka May waxa kale oo ay sheegay in maalintan qaranimada Somaliland ee 18-ka May aanay ahayn mid dhayal ku timid, laakiin ay tahay mid ku timid rabitaanka shacabka Somaliland.

Sidoo kale waxa ay guud ahaan bulshada reer Somaliland ugu baaqeen in caruur iyo cirroole ba ay weyneeyaan xuska maalinta qarannimada Somaliland ee 18-ka May, una xusaan si ka duwan sidii ay hore ugu xusi jireen sannadihii hore.

Guddida ayaa bulshada ku boorrisay in maalintan laga dhigo maalin bulsho, lana sameeyo isu soo baxyo waaweyn oo aan loo kala hadhin, isaga oo qofkasta sita waxa uu qorshaystay in uu kaga qayb galo maalintan.