Madaxweyne Kuxigeenka JSL oo ku Dhaliilay reer Galbeedka in aanay Somaliland Waxba la Qaban

Hargeysa (Dawan)- Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay in dunida reer galbeedka ee taageera dimuquraadiyaddu ay ku guul daraysteen inay aqoonsadaan dedaalka iyo guulaha ay ummadda Somaliland gaadhay.
Siday faafisay Wakaaladda Wararka ee SOLNA, Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland ayaa farriin uu ku faafiyey barta X (Twitter) wuxuu ku iftiimiyey guulaha ay Jamhuuriyadda Somaliland gaadhay muddadii ay jirtay.
Madaxweyne Ku Xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in Somaliland ka mid tahay dalalka Afrika ee keligood hirgaliyey kuna guulaystay dimuqraadiyadda, isaga oo xusay in Somaliland ay qabsatay shan doorasho oo ay laba ka mid ah ku guulaysteen Xisbiyo Mucaarad ahi.
Mudane Saylici wuxuu gabo gabadii qoraalkiisa ku sheegay in dalalka Reer Galbeedka ee buunbuuniya dimuqraadiyadu ay si weyn ugu guuldaraysteen in ay aqoonsadaan dedaalka iyo guulaha ay gaadhay Jamhuuriyada Somaliland.





Previous articleWasiirka Warfaafinta JSL oo Jawaab Adag ka Bixiyay Hadal ka soo yeedhay Wasiirka Arrimaha Dibedda Dawlada Soomaaliya