WARBIXIN: Ronaldo, De Jong, Kounde & 9-kii Saxiix Ee Sida Weyn Loo Hadal Hayay Suuqii Xagaaga Ee Fashilmay

Waxa xalay si Rasmi ah u xidhmay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo ay koox walba haatan gacanta ku dhigtay saxiixyadii ay doonaysay.

Waxa dhacay saxiixyo badan intii uu furnaa suuqa xagaaga kuwaas oo ay sameeyeen kooxo badan oo yurub iyo adduunka ah.

Laakiin sidoo kale waxa jira saxiixyo aan dhicin inkasta oo si weyn loo hadal hayay wakhti ka mid ah intii uu furnaa suuqa xagaaga min bilow ilaa dhamaadkii suuqa.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa saxiixyadii aan dhicin ee sida weyn loo hadal hayay.

1.Douglas Luiz -> Arsenal:

Saxiixa Douglas Luiz ee Arsenal ayaa ahaa midkii ugu hadal haynta badnaa maalintii ugu dambaysay suuqa iyada oo Arsenal 3 dalab laga diiday kuwaas oo ay ku doonaysay saxiixa xiddiga.

Douglas Luiz ayaa xitaa ogolaaday in uu ku biiro Arsenal waxana uu kooxdiisa Aston Villa u sheegay in ay u ogolaadaan in uu ku biiro Arsenal ka hor inta uuna xidhmin suuqa laakiin heshiiska ayaa ugu dambayn fashilmay.

2.Youri Tielemans -> Arsenal:

Xiddiga khadka dhexe ee Youri Tielemans ayaa sidoo kale si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Arsenal iyada oo Gunners doonaysay in ay xiddiga ku xoojiso khadka dhexe.

Arsenal ayaa xitaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga reer Belguim laakiin kooxda Arteta ayaa diiday in ay bixiso lacagta ay Leicester City ku qiimaynaysay xiddig oo ahayd 35 milyan oo euro.

2.Joules Kounde -> Chelsea:

Kooxda chelsea ayaa suuqii xagaaga ahayd kooxda ugu badan ee xiddigo laga hor qaado iyada oo xiddigo badan u wayday kooxda Barcelona intii uu furnaa suuqa xagaaga.

Chelsea ayaa muddo 2 sano ah ku raad joogtay saxiixa Kounde waxana ay xitaa xiddiga la gaadhay heshiiska shaqsiga ah laakiin Barcelona ayaa badashay go’aanka xiddiga kaas oo ka doortay ku biirista Barcelona.

3.Frenkie De Jong -> Man United:

Ku biirista Frenkie ee Man United ayaa ahayd mida ugu hadal haynta badan suuqa xagaaga xilli ay Man United xitaa Barcelona kala heshiisay qiimaha xiddiga.

Laakiin De Jong ayaa iska diiday in uu ku biiro Man United isaga oo ku adkaystay in uu donayo in uu sii joogo kooxda Barcelona isla markaasna uu diiday in uu ku biiro Man United.

4.Raphinha -> Chelsea:

Xiddiga Raphinha ayaa ka mid ah xiddigaha iska diiday chelsea kadib markii ay Blues wax walba kala heshiisay kooxda Leeds United laakiin xiddiga reer Brazil ayaa ka doortay in uu ku biiro kooxda Barcelona.

5.Jurrien Timber -> Man United:

Tababare Erik Ten Hag ayaa maamulka Man United ka codsaday in ay u keenaan daafaca dhexe ee kooxda Ajax ee Jurrien Timber kaas oo uu doonayay in uu ku dhiso kooxdiisa.

Man United ayaa muddo wadahadalo la qaadatay laakiin xiddiga 21 jirka ah ayaa ugu dambayn go’aankiisa badalay iskana diiday Man United isaga oo heshiis cusub u saxiixay kooxdiisa.

6.Marc Cucurella -> Man City:

Kooxda Man City ayaa ah koox aan inta badan ku fashilmin bartilmaameedyadoo laakiin waxa ay ku fashilmeen saxiixa Cucurella kaas oo ugu dambayn chelsea ku biiray.

Man City ayaa Heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga reer Spain laakiin Brighton ayaa dalbatay lacag dhan 50 milyan waana lacag ay diiday kooxda Man City in ay bixiso waxa uu ugu dambayn ku biiray kooxda Chelsea.

7.Darwin Nunez -> Man United:

Red Devils ayaa Nunez ka dhigatay bartilmaameedka 1-aad ee suuqa xagaaga iyada oo uu Erik Ten Hag doonayay weeraryahan laakiin Red Devils ayaa ku fashilantay saxiixa xiddiga.

Man United ayaa diiday in ay bixiso lacagtii ay Benfica dalbanaysay waxana ay taasi keentay in ay Liverpool ku garaacdo saxiixa xiddiga reer Uruguay.

8.César Azpilicueta -> Barcelona:

Kooxda Barcelona ayaa wax walba u samaysay sidii ay u heli lahayd saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda chelsea ee César Azpilicueta kaas oo ay doonaysay in ay ku xoojiso daafaceeda.

Laakiin xiddiga César Azpilicueta ayaa iska diiday Barcelona ugu dambayna heshiis cusub u saxiixay kooxdiisa chelsea.

9.Cristiano Ronaldo:

Xiddiga Man United ee Critiano Ronaldo ayaa xagaagii oo dhan lala xidhiidhinayay in uu isaga tagayo kooxda Man United.

Xiddiga ayaa saxiixiisa loo soo bandhigay kooxo ka badan 10 laakiin waxa la waayay koox ogolaata in ay qaadato isaga.

Ugu dambayn Ronaldo ayaa iska sii joogay kooxda Man United kadib markii uu waayay koox diyaar u ah in ay la saxiixato.