Ten Hag Oo Fariin U Diray CR7 Iyo Casemiro , Anotny-na Ma Ciyaarayaa Kulanka Arsenal?

Tababaraha Man United ee Ten Hag ayaa aaminsan in kooxdiisa noqoneyso mid xooggan marka Ronaldo iyo Casmeiro ay %100 diyaarsan yihiin

United ayaa xalay hal gool waxa ay kaga badiyeen L City kulan ka tirsanaa wareegga 5-aad ee horyaalka Ingiriiska

BT Sport ayuu Ten Hag ka yiri ” waa talaabo kale oo aan horay u qaadnay , waan ku faraxsanahay, waxaana kulankaas muujinnay isbiirad xooggan”

“Haatan waxa jira kulamo ay tahay in aan si wacan u shaqeyno kaliya taasi waxa ay ku xeran tahay in Ronaldo iyo Camsero jir ahaan diyaarsan yihiin , xaaka waa wanaagsananayaa”

Mar uu ka hadlayay saxiixa cusub United ee Antonay waxa uu Ten Hag yiri ” waan arkeynaa in kulanka axadda u ciyaari karo , aan aragno horta  sida uu tababarka ku noqdo”.