Chelsea Oo Jabisay Rikoodhka Taariikhda Suuqa Xagaaga

Kooxda chelsea ayaa suuqa galisay lacagta ugu badan taariikhda suuqa kala iibsiga xagaaga sanad kaliya kadib markii ay suuqa galisay lacag dhan 258.5 milyan oo euro.

Kooxda Thomas Tuchel ayaa la soo saxiixatay 12 saxiix oo cusub iyada oo saxiixooda ugu qaalisan yahay xiddiga daafaca ka ciyaara ee Wesley Fofana kaas oo ay kula soo wareegeen 75 milayn oo euro.

Fofana ayaa chelsea xagaagan kula soo biiray xiddigaha Denis Zakaria, Pierre-Emerick Aubameyang, Marc Cucurella, Raheem Sterling, Kalidou Koulibaly iyo xiddigo kale oo da’yar ah.

Blues ayaa si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedka iyaga oo laga badiyay 2 kulan 5-tii kulan ee ay ciyaartay halka ay kulan kale bar-baro galeen taas oo la macno ah in ay laba kula oo kaliya badiyeen.

Tuchel ayaa haatan cadaadis xoogan ku saaranyahay sidii uu kooxda chelsea ugu soo celin lahaa ku guulaysiga koobabka kadib markii uu Milkiilaha ka helay taageero buuxda.