Warbixin: Maxaad Ka Taqaana Geedka Looxa Qur’aanka Laga Qoro Xannuunka Macaankana Ka Daawada Ah

Hargeysa (Dawan) Waxa aynu ka hadlayna dhirteena faa’idada leh iyo kuwa hal xidhaalaha leh iyo kuwa maahmaahda leh,

Caaqil Maxamed Bulxan Waaberi oo ka mida odayaasha waayo jooga ee gobolka Awdal, waxa uu sheegay in geedka uu hortaagan yahay ay is matalaan geedka loo yaqaano Quudka, waxa uu sheegay in geedkani faa’ido badan u leeyahay xoolaha, waxaa uu xusay in geedkan iyo Geed Haadaan la odhan jiray oo hadda dabar’go’ay laga qori jiray Looxa Qur’aanka Kariimka ah lagu barto.

Oday Maxamed waxa uu daboolka ka qaaday in ay jirto Maahmaah guuna oo loogu maahmaahi jiray ardayda Quraanka barata.

Waxaanu yidhi. “Geedkani waxa uu la Jinsi yahay geedka la yidhaahdo Quudka, Guban iyo Oogaba wuu ka baxaa, gaar ahaan Dixda Harawa iyo Guban ayuu aad ugu badan, geedka Quudku waa geedaha xoolaha cunaan, Geedkan iyo Geedkale oo Haadaan la yidhaahdaaba waxa laga qora Looxa Qur’aanka Kariimka ah lagu barto.

Ardaygu marku Qur’aanka dhiganayo waa inuu hela Looxa Quuda, Macalin Qaariya iyo Hooyo u qalqaasha oo subaxi Quraaca siisa, waa inuu hela aabo u quudha lacagta uu ku dhiganayo, inta haddii uu waayana wax badan ayaa ka dhinmaya.”

Sidoo kale Jiif Caaqil Jaamac Faarax Xareed oo ka mid ah madax dhaqameedka gobolka Awdal waxa uu nooga waramay qaar ka mida dhirta ka baxda gobolka Awdal faa’idada ay leeyihiin, haddii ay daawo tahay iyo haday cunto tahayba.

Jiif Caaqil Jaamac waxa uu sigaar isudultaagay faa’idada geedka Kulanku leeyahay, kaas oo ka baxa xeebta gobollada Galbeedka Somaliland.

Waxaanu yidhi.“Waxaan ka hadlay geedka Kulanka faa’idada uu leeyahay, haddii ay cunto tahay iyo daawo tahayba, waxa uu ka baxa Xeebta gobollada Galbeedka Somaliland, gaar ahaan gobolka Selel, Buurta Madaw ayuu ka hooseeyaa, geedkani marka laga reebo hadhka la hadhsanayo saddex faa’ido ayuu leeyahay, mar waala cuna oo waa timir, marka uu bislaado duubkiisu ka garanmaysid timirta, mar waxa la cuna beerkiisa oo waala karsada.

Midhihiisa waala karsada ugu yaraana 10 saacadood ayay ku bislaadaan, qofka cuna caano cabi mayo ee waa sida hilibgeela oo waad ku gaajo beelaysa, sidoo kale xannuunka Macaankana waa lagu daweeyaa, dhirteena daawo badan ayaa ku jira, waxaan arkay dad badan oo isticmaalay geedka Kulanka oo uu kaga tagey”