USA: Ardayda Jaamacada Los Angeles oo diiday inay joojiyaan Mudaharaadka ay uga soo horjeedaan Israa’iil

Published: May 2, 2024

Ardayda Jaamacada magaalada Los Angeles ee gobalka California ayaa sheegay inay sii wadi doonaan Mudaharaadka ay uga soo horjeedaan xasuuqa Israel ka wado Gaza, kadib digniin kasoo baxday Ciidamada Booliiska oo amray inay baneeyaan xarunta ay saldhiga ka dhigteen ee Xarunta Jaamacada California.

Shalay ayey booliiska Mareykanka xoog ku galeen banaanbixii ka socday Jaamacada Columbia ee magaalada New York, halkaasi oo lagu xir-xiray in ka badan 300 arday, macalimiin iyo shacab kale. Balse Ardayda ayaa weli sii wada Mudaharaadkooda iyagoo sheegay inaysan u hogaansami doonin cadaadiska uga imaanaya dhanka dowlada.

Sidoo kale ardayda Jaamacada California ayaa iyagan sheegay inay sii wadi doonaan mudaharaadkooda isla markaana aysan cabsi ka qabin hanjabaada Booliiska.

Habeen hore ayey koox rag ah oo taageersan Sahyuuniyada iyo Israel weerar ku qaadeen ardayda ku sugan Jaamacada California ee Los Angeles, iyadoo aysan booliiska waxna ka qaban weerarkaasi.

Weerarkaasi kadib ayey Booliiska Los Angeles soo saareen amarka ah in la joojiyo banaanbaxa lagu taageerayo Falastiin. Waxaana la filayaa inay booliiska weerar ku qaadi doonaan Ardaydaasi u doodaya xaquuqda Falastiin.

Horseed Media