Ajaaniib Lacago Malaayiin Dollar ah ka dira gudaha Soomaaliya iyo waxa ay yihiin dadkaasi

Soomaaliya ayaa noqotay il dhaqaale oo cusub oo ay bil walba dad ajaanib ah kasoo diraan malaayiin dollar, kuwaa oo gudaha Soomaaliya ka qabta shaqooyin kala duwan ay ka sameeyaan dhaqaale.

Warbaahinta Kenya oo xiganaysa ilo diblumaasi ayaa sheegay inay Soomaaliya noqotay xarun dhaqaale oo cusub oo sanad walba dibeda looga diro kow iyo labaatan milyan oo doolar.

Dadka lacagaha u dira dibeda waxaa ka mid ab 35,000 oo qof oo Yugaandheys ah, oo kuwaas oo ka shaqeeya gudaha Soomaaliya. Dadkaas oo maalin walba xawila lacag u dhexeysa $50,000 Ilaa $60,000.

Nathan Mugisha, ku xigeenka Danjiraha Uganda ee Soomaaliya ayaa u sheegay wargeyska The EastAfrican in lacagtaas aad u yartahay marka la barbardhigo lacagaha ay Soomaaliya kasoo diraan shaqaalaha Kenyanka ah ee jooga Soomaaliya, kuwaas oo tiro ahaan ka badan Yugaandheyska.