Wakhtiga qabashada araajida xubnaha cusub ee Baarlamanka Puntland oo hal maalin lagu daray

Guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland ayaa hal maalin ku daray wakhtiga qabashada araajida shakhsiyaadka raadinaya Baarlamanka.

Guddoomiyaha guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada Puntland Isxaaq Axmed Xasan ayaa shaaciyay in maanta oo keliya lagu daray wakhtiga soo gudbinta araajida.

Guddoomiye Isxaaq ayaa sheegay in wakhti kordhinta loo sameeyay maadaama aan weli la soo gudbin xubno ka imaan lahaa Bari iyo Mudug waxaana uu ugu baaqay in ay wakhtiga ilaaliyaan xubnahaasi.

Mudane Isxaaq ayaa sidoo kale shacabka Puntland ugu baaqay in ay ka digtoonaadan wararka been-abuurka ah ee laga faafinayo doorashada islamarkaana ku kalsoonaadan shaqada guddiga xallinta Khilaafaadka doorashada.

PUNTLAND POST