Masar oo soo bandhigtay Qorshe xal u noqon kara dagaalka xooggan ee ka socda Gaza

Dagaallo xooggan uu dhiig badan ku daadanayo ayaa wali ka socda magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, waxaana marar badan fashilmay isku dayo la doonayay in xabbad-joojin la dhax dhigo Xamaas iyo Israa’iil.

Dowladda Masar ayaa markan soo bandhigtay wax lagu tilmaamay qorshe hammi ah oo lagu soo afjarayo dagaalka ka socda magaalada Qaza, laguna gaarayo xabad-joojin labada dhinac dhax marta.

Hindisahan oo loo soo bandhigay Israa’iil, Xamaas, Maraykanka iyo dawladaha Yurub Isniintii ayaa ugu baaqaya  Israa’iil in ay si buuxda uga baxdo Marinka Qaza, sidoo kale la sii daato dhammaan maxaabiistii Xamaas ka qafaasheen Israa’iil iyaga oo ku bedelanaya maxaabiis kale oo Israa’iil heesato.

Soo jeedinta hindisaha Masar , oo ay la samaysay dawladda Khaliijka ee Qatar, ayaa ka kooban dhowr wareeg oo maxaabiis is dhaafsi labada dhinac ah , sida uu sheegay Bernard Smith oo Aljazeera ka tirsan kuna sugan  Tel Aviv .

Wejiga koowaad ee qorshahan Masar wado ayaa looga dalban doonaa kooxda Xamaas in ay sii daayaan  dhammaan maxaabiista rayidka ah, si ay Israa’iil iyana dhankeeda usii daayaan maxaabiista Falastiin ka hayaan muddo 7-10 maalmood ah.

Inta lagu jiro marxaladda labaad, Xamaas waxay siidayn doontaa dhammaan dumarka askarta Israel ah si ay u helaan maxaabiis falastiiniyiin ah oo badan, taasoo dhacaysa inta lagu guda jiro xabbad-joojin toddobaad kale ah.

Marxaladda ugu dambeysa, dhinacyada dagaallamaya waxay ku lug yeelan doonaan “hal bil ah oo wadahadal ah si ay uga wada hadlaan sii deynta dhammaan shaqaalaha militariga ee Xamaas ay ku beddelanayaan maxaabiis badan Falastiiniyiin ah iyo Israa’iil oo dib ugu soo laabanaysa xuduudaha Gaza ,sida uu sheegay Smith.

Ku dhawaad ​​8,000 oo falastiiniyiin ah ayay Israa’iil ku haysataa eedaymo la xidhiidha in ay katitrsan yihiin kooxaha dagaalka kala soo horjeeda ayna yihiin argagaxiso, kuwaa oo ku jira xabsiyo kala duwan oo Israa’iil maamusho.

Inta lagu guda jiro xabbad joojinta, Masar waxay sidoo kale hogaamin doontaa wadahadalo lagu mideynayo kooxaha Falastiiniyiinta ee Hamas iyo Maamulka Falastiin, ka dibna si wadajir ah u magacaabi doona dowlad wadajir ah , si ay u maamusho Daanta Galbeed iyo Gaza, ka hor doorashooyinka mustaqbalka.

Durba soo-jeedinta hindisahan Masar ka yimid ayaa diidmo waxaa kala hor-yimid kooxaha Xamaas iyo Islamic Jihaad, kuwaa oo shuruudo adag ku xiray xabbad-joojin iyo wadahadalo ay la galana Israa’iil, sidoo kale Israa’iil ayaa la sheegay in hindisahan aysan la dhicin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –