Faransiiska oo xayiray Diyaarad siday Boqolaal Tahriibayaal oo Mareykanka kusii jeeday

Ciidamada ammaanka dalka Faransiiska ayaa ku xayiray garoon diyaaradeed oo kuyaalla dalkaasi, diyaarad ka timid dalka Hindiya oo ay la socdeen dad ka badan saddex boqol oo rakaab ah oo badankood kasoo jeedeen dalka Hindiya.

Diyaaradan oo kusii jeeday dalka Nicaragua ayaa lagu xayiray dalka Faransiiska, waxaana diyaaradan la sheegay in lagu qabtay magaalada Vatry ee waqooyi bari Faransiiska, xilli diyaarada dooneysay in garoonkaasi ka qaadato shidaal.

War kasoo baxay dowladda Faransiiska ayaa lagu sheegay in rakaabka tahriibayaasha ah dib loogu celin doono magaalada Mumbai ee dalka Hindia, waxa ayna Faransiiska sheegeen in ay kasoo horjeedaan tahriibka sharci-darada ah.

Dacwad oogayaasha Faransiiska ayaa laba maalmood su’aalo weydiinayey rakaabka diyaarada la socday, kaddib markii si qarsoodi ah loo ogaaday in qaar kamid rakaabka diyaarada saarnaa loo tahriibinayey dalka Maraykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
[email protected]

– Advertisement –






Previous articleBenjamin Netanyahu oo tagay Gaza kana hadlay arrin ay ka codsadeen Askartiisa