Thomas Tuchel Oo Saxiixa Denis Zakaria Ku Tilmaamay Khatar, Sabab.

Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa saxiixa ay Blues samaysay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ay kula soo wareegtay xiddiga Denis Zakaria in uu yahay mid khatar ah laakiin waxa uu rajaynayaa in uuna wajihi doonin dhibaatadii Sual Niguez oo kale.

Chelseal ayaa Saul kala soo wareegtay Atletico Madrid maalintii ugu dmabaysay ee suuqii xagaagii hore laakiin waxa uu ku dhibaatooday in uu la qabsado kubada England.

kooxda Chelsea ayaa maalintii ugu dambaysay ee suuqa xagaagan Juventus qaab amaah ah kala soo wareegtay xiddiga Zakaria kadib markii ay xiddigo badan oo khadka dhexe ah ku fashilantay saxiixooda.

“Mar walba waa khatar saxiixyada la sameeyo daqiiqadaha ugu dambeeya, laakiin Zakaria ayaa ahaa dookha kaliya maadama ay wakhti dambe ahayd”ayuu Tuchel yidhi.

“Waxa aan haysanaa xiddigo khadka dhexe ah sida Nateo Kovacic, N’Golo Kante Iyo Ruben Loftus-Cheek Laakiin dhamaantood waxa ay la dhibaatoonayaan dhaawacyo”.

“Sidaas darteed ayaan ugu dhaqaaqnay Zakaria daqiiqadihii ugu dambeeyay waxa aan rajaynayaa in uuna la qabsiga horyaalka ku dhibaatoon sidii Saul isla markaas uu kulamo badan noo ciyaaro”ayuu sii raaciyay.