Cody Gakpo Oo Shaaca Ka Qaaday Doorkii Uu Louis Van Gaal Ka Qaatay In Uu Iska Diido Ku Biirista Man United.

Xiddiga PSV Cody Gakpo ayaa shaaca ka qaaday in tababarihii hore ee Manchester United Louis van Gaal uu ku qanciyay inuusan u dhaqaaqin Old Trafford xagaaga.

Gakpo ayaa bartilmaameed u ahaa Man United suuqii xagaaga iyada oo uu Erik Ten Hag doonayay in uu ku xoojiyo weerarkiisa.

Laakiin xiddiga 23 jirkaah ayaa iska diiday ku biirista Red Devils isaga oo doortay in uu sii joogo kooxdiisa PSV.

Gakpo Ayaa sheegay in uu tababarihii hore ee Man United ee Van Gaal door ka qaatay iska diidistii uu iska diiday Man United.

“Waxa aan la hadlay tababaraha xulka qaranka Van Gaal, waxa aan waydiiyay tallo ku saabsan ku biirista Man United, Talladiisu way cadayd waxana uu sheegay hadii aan doonayo in aan ciyaaro koobka adduunka in aanan ku biirin Man United”.

Gakpo ayaan ahayn xiddiga kaliya ee Iska diiday Man United sabab la xidhiidha tababarihii hore ee Man United maadama uu sidoo kale xiddiga Jurrien Timber iska diiday United markii uu tallo ka helay Van Gaal.