Mikel Arteta Oo Fariin U Diray Pierre-Emerick Aubameyang Kadib Markii Uu Ku Soo Laabtay Lodon.

Mikel Arteta ayaa u rajeeyay Pierre-Emerick Aubameyang nasiib wacan markii uu kabtankii hore ee Arsenal ku biiray Chelsea maalintii ugu dambaysay suuqa xagaaga.

Aubameyang ayaa 10 milyan oo euro ugu biiray Chelsea khamiistii isaga oo ku loo laabtay London bilo kadib markii uu ka tagay Arsenal kuna biiray Barcelona.

Xiddiga Aubameyang ayaa 4 sano oo cajiib ah ku qaatay Arsenal isaga oo dhaliyay 92 gool 63 kulan oo uu u ciyaaray kooxda.

Laakiin xiddiga Aubameyang ayaa qaab xor ah uga tagay Arsenal qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore kadib markii uu Suuqii January ku biiray Barcelona.

Arteta oo ka hadlaya ku laabashada Aubameyang ee Premier League iyo ku biiristiisa chelsea ayaa yidhi”Waxa aan hubaa in uu qaatay go’aan sax ah”.

“Waxa uu doonayay is badal waxana uu ku soo laabtay Premier League waxa aan u rajaynayaa nasiib wacan”.