Imisa Ayaa Chelsea Uga Baxday Hishiisan. Aubameyang ?

Chelsea waxa ay wacdaro ka dhigtay suuqa kala iibsiga ee xalay soo xermay waxa ayna sidoo kale la soo wareegeen Aubameyang

Hishiiska wiilka reer Gabon ee Chelsea ayaa gaaraya laba sanno waxaana ku jira qodob ah in mid dheeraad ah uu ku dari karo

Aubameyang  horay ayuu uga ciyaaray PL iyadoo 5 sano uu ku qaatay Arsenal ka hor inta January sanadkaan ku biirin Barcelona

Chelsea ma sheegin qiimaha kaga baxday Aubameyang balse warar ayaa sheegaya inay gaareyso 12 milyan oo euro

Barcelona nasib wacan ayay u rajeeyeen Aubameyang waxa ayna u sheegeen in mar waliba Barca tahay hoygiisa