Tartanka Gool Dhalinta La Liga Oo Meel Xiiso Maraya & Lewandowski Oo La Joojin Laayahay.

Waxa la soo afjaray todobaadkii 6-aad ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan iyada oo kulamo xiiso leh la ciyaaray kulamadii sabtidii iyo Axadii.

Xiddiga kooxda Barcelona ee Robert Lewandowski ayaa si raaxo leh u dhalinaya goolasha horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan isaga oo muujiyay tayadiisa.

Xiddiga Robert Lewandowski ayaa dhaliyay 2 gool kulakii ay Barcelona garaacday kooxda Elche kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Robert Lewandowski ayaa sidaas ku dhaliyay goolkiisii 8-aad ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan kadib markii uu ciyaaray 6 kulan.

Wax ku xiga xiddiga kooxda Real Betis ee Borja Iglesias kaas oo dhaliyay 6 gool ilaa haatan xilli ciyaareedka La Liga.

Halkan waxa aad kaga bogataa Xiddigaha Goolasha ugu badan ka dhaliyay horyaalka La Liga:

  1. Lewandowski (Barcelona) – 8 goals, 6 games
  2. Borja Iglesias (Betis) – 6 goals, 6 games
  3. Iago Aspas (Celta) – 5 goals, 6 games
  4. Vinicius Jr. (Real Madrid) – 4 goals, 6 games
  5. Rodrygo (Real Madrid) – 3 goals, 4 games