Taliska Ciidamada Difaaca Puntland oo shir deg deg ah ku yeeshay Xarunta Madaxtooyada Boosaaso

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Puntland Gen. Aadan Cabdi Xaashi ayaa shir deg deg ah la qaatay saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Puntland ee ku sugan buuraha silsiladda Golis.

Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidamada difaaca Puntland ayaa lagu sheegay in Gen. Aadan Cabdi Xaashi uu shirkaasi la yeeshay taliyaasha ururada ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntlamd ee ka hawlgala  buuraha silsiladda Golis ee Gobolka Bari.

Shirka oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada magaalada Boosaaso ayaa looga hadlay dardar gelinta Hawlgallada ka dhanka ah kooxaha Argagixisada ee Daacish iyo Alshabaab sida lagu sheegay Qoraalka ka soo baxay Taliska Ciidamada Puntland.

“Shirkaas ayaa daarna si loo dardargalin laha howl-galada ka dhanka ah Khawaarijta Al-shabaab & Daacish ee ku sugan buuraha Silsiladda Golis , loona xoojiin laha Aminga Gobalka Bari” ayaa lagu yiri Qoraalkaasi.

PUNTLAND POST